chat    1    MAIL  posted   QUIT  

 my PROFILE    my PHOTO    SEARCH members    CREATE new lesson    READ lessons   TRANSLATE 

CONNECTED MEMBERS :  Langoland   


Somali lessons

lessons (created by members)

 Somali - abtirsiinta ereyada afka soomaaliga qaar kamid ah 


Waxaa Diyaariyey.
Abdirizak Kaneec
Bare Afka soomaliga Dhiga
- - - - - - - - - -
Farta Kabta Lugta
Fartaa Kabtaa Lugtaa
Fartee Kabtee Lugtaa
Fartii Kabtii Lugtii
Fartoo Kabtoo Lugtoo
Fartu Kabtu Lugta

Naagta ninka
Naagtaa ninkaa
Naagtee ninkee
Naagtii ninkii
Naagtoo ninkoo
Naagtu ninku
......................................
Somaali English
Maya No - -
- - Not this Ma/ya (haddii aanu qoruhu sidan u
qorin)
Ma Do (or not) - -
Ma taqaan isaga? Do you know him? - -
Yaa ≠Ya What ≠this - -
Yaa (Yaa sidaa yidhi?) Who (Who said so ?) - -
Waayo ? Why not? ≠who - -
Waa ayo Who is he/she?
Diyaarintiintii Abdirizak Kaneec Bare Afkasomaaliga DHiga

 comment >    2013 FEB-17 03:57 (by )
 
 Somali - BAR AMABARO AF-SOOMAALI 

Waxaa diyaariyey, Abdirizak kaneec
BILAHA SANADKA OO AY SOMALIDU ISTICMAASHO

Janaayo Bil koowaad Dako/Sako
Febraayo Xigto Bil dhure hore
Maarso Saddexa Bil dhure dambe
Abriil Abraar Rajal hore
Maajo Riyaale Rajal dhexe
Juun Idaale Rajal dambe
Luuliyo Carfoon Sabbuux
Agoosto Kutuba Waaberriis
Sebteembar dhaafa Soon
Oktoobar Nasteexo Soonfur
Nofeembar Asli Sidataal
Diseembar Cifada CarrafoKuwa bidixda waxaa laga soo maan guriyay afka carabiga, kuwa
midigtana waa kuwii aay soo maalidii hore isticmaali jirtay. Kuwa
midigta waxaa soo gudbiyay baaritaan dheer kadib oo aan ooga
mahad celinaynaa Halyeey Xassan Sheekh Muumin.
Sabti Sooroga
Axad koobin
Isniin Lammin
Talaada Lamtoka
Arbaca Koodaar
Khamiis Hakisa
Jimce Hakis-bila
AYAAMAHA TODOBAADKA EE AYNU IS TICMAALMO
Janaayo Bil koowaad Dako/Sako
Febraayo Xigto Bil dhure hore
Maarso Saddexa Bil dhure dambe
Abriil Abraar Rajal hore
Maajo Riyaale Rajal dhexe
Juun Idaale Rajal dambe
Luuliyo Carfoon Sabbuux
Agoosto Kutuba Waaberriis
Sebteembar dhaafa Soon
Oktoobar Nasteexo Soonfur
Nofeembar Asli Sidataal
Diseembar Cifada CarrafoKuwa bidixda waxaa laga soo maan guriyay afka carabiga, kuwa
midigtana waa kuwii aay soo maalidii hore isticmaali jirtay. Kuwa
midigta waxaa soo gudbiyay baaritaan dheer kadib oo aan ooga
mahad celinaynaa Halyeey Xassan Sheekh Muumin.
Sabti Sooroga
Axad koobin
Isniin Lammin
Talaada Lamtoka
Arbaca Koodaar
Khamiis Hakisa
Jimce Hakis-bila

DIYAARINTII Abdirizak kaneec

 comment >    2013 FEB-17 03:35 (by )
 
 Somali - casharka 1-aad 

Sheeko Story
Macaan Sweet
Kaftan Joke
Cashar Lesson
Haa Yes
Maya No
Kaalay Come
Indho Eyes
Afka Mouth
Sanka Noise
Dhegaha Airs
Timaha Hairs
Lugaha Legs
Madaxa Head
Xabadka Chest
Gacmaha Hands
Cunto Food
by Dahir Alasow

 comment >    2013 NOV-04 22:21 (by Waagacusubmedia@gmail.com)
 
 Somali - Dikaan Jaceyl – 7 aad Somali love story 

Naxdin qaracan dhidid ayaa hareeyay .Afkii uu kala Qaaday ee uu rabay in uu Erey ku yiraa, awoodii baa ka dhamaatay, carabkii ayaa tabar dhigay., candhuuftiibaa ku adkaatay, Wadnihiibaa Jiidmay dhibaatoo dhanbaa ku habsatay isla markiiba Cisbitaal ayaa loola cararay, farxadii arooska waxay isu bedeshay qalqal iyo buuq.

Dadkii oo dhan xanuunka wiilka ayey ka daba yaaceen, cidna ma oga halka laga jiitay, mudo yar mar uu yara ladnaaday, Adeerkiis ayaa Su, aalay Waxa uu dareemay?

Jawaab rasmi ah kama bixin Nasrudiin su’aasha adeerkii ku xaal wareeysanayay.

Markii guriga la geeyay Naftaa u diiday inuu sii joogo kadibna wuxuu mar kale dib ugu Laabtay gurigii Arooska gacalisadiisa lagu Tumayey.

Markii uu ku dhawaaday guriga arooska ayuu maqlay dhawaqa muusiga iyo heesaha ka socda ee ka qeybgalayaasha xaflada lagu maaweelinaa si ay u iloobaan jawigii anfariirka .

Nuuradiin maaha fanaan, waligiis hees ma qaadin laakiin markii uu gurigii gudaha u galay wuxuu hore ka fuulay masraxa, makarafoonka ayuu fanaan hees qaadayay ka ritay.

Allaha u naxariistee Cabduqadir Sanka oo dhoola cadeeynaa, ayaa yiri u sacbiya Nuuradiin.

Wuxuu afka la kala qaaday:

Ma ogtahay aduunyada, axad baa La Taagee
Adigana isniin baa, Jacayl kugu abuurmee,
Arbacaa sidaadii ana Laygu beeree
Waxaad igu abuurtaan, La adkaysan Waayee ,
Amaanada iLaahay, Noqo kumaan iLaawine,
Heesta Amaano ee uu sameeyay Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubad ayuu ugu luuqeeyay sida in uu yahay boqorkii Codka Maxamad Saleebaan Tubeec, inkastoo aanan kooxda u Garaacin heesta muusikadeeda, hadana marka uu marayo.(Ma ogtahay Ayaantii iLmadu Kaa da, eysee, indhahaaga Qooysaan, inan yahay xasuustee, . ayaa mar Qura Sacab iyo Muusig Hareeyay Goobtii,

Fanaantiibaa la soo Wadda koray Masraxa oo garabyadiisa buuxiyay, La Jiibiyay, Markuu dhameeyay ayaa La Soo Xambaaray oo La Fariisiyay Meel aad u Qurux badan Ka dibna Hoboladii ayaa heeso jacayl u Qaaday dadkiina Sacab ayey La istaageen, gacalisadiisii ayaa Ubax ruxday, Iyadoo farxad muujineeysa, kana anfariirsan halka ay gaartay dhacdada ugub ee AXDIGII ay uga baxday wiilka reer Geedi ee Sweden uga yimid darteed,

Nasrudiin Mar kale ayuu Masraxa fuulay oo Meeykarafoonka Qaatay, wuxuuna yiri,
Dhaawac baygu yaaloo, Dhaqdhaqaaqi waayee,
Lafta dhabarka Celisaa,

Laba dhinac i Noqotee,
Ruux dhimasho joogaa,

ILeen looma dheeloo,
Dhaanta looma celiyoo?,

Taahii Lama dhageystee, ?
Axdigii dhexdiiniyo,
Wada dhalashadeenii,

Aqalkaan dhiseeynaad,
Dhidbihii ka tuurtee

Miyaan Aadan kuba dhalin, ?

Xaawo Naaska kuu dhigin?

Dhabta hooyo kugu qaban?

Iga dhoowr dhibaatada

Ragga laguma dheelee

Ragga laguma dheelee!!!!
Nasrudiin maaha ee waa beer dilaacshe dadkii ayaa isla dhex maray Qaarkood calooshaa gadoontay, isagana masraxa ayuu ka dhaqaaqi waayey, Miirkiibaa Tagay, farxadii dadka ayaa Naxdin isu badashay ., dadkii iyo fanaaniintii ayaa ula cararay mar kale cisbital , Xafladii ayaa La xiray heestu murugo badanaa, Mu’alifka Sameeyay Muxuu uga danlahaa, ? magaciisa ii sheeg, ? muran noocaas ah ayaa hareeyay goobtii, mirahaas waxaa leh AL Ustaad Cabdalla Nuuradiin oo Malaha Xanuun jacayl Soo maray, ayaa nin Yaqaan ku jawaabay. La soco qeybta 8-aad ee Sheekadda Dikaan Jaceyl.

W/Q, Dahir Abdulle Alasow

dahiralasow@yahoo.com



 comment >    2011 SEP-09 01:01 (by Somali)
 
 Somali - greetings 

subax wanaagsan - good morning
habeen wanaagsan - good night

Iska waran ? Who are you?
hooyo - mother
aabe - father

 comment >    2011 NOV-20 13:49 (by )
 
 Somali - how to read and write 

Quick way to write and read Somali
prepared by Adam Abuzuhri
Email:abuzuhri1@gmail.com
Lesson1
Somali Alphabet:Consonants
Since Somali letters are derived from Arabic the vowels are separate from the consonants, in addition there are letters which are not both in English and Arabic
BTJXXKhDR

SShDhCGFQK

LMNWHY


How to pronounce these letters
BTJXKHDRS
batajaxakhadarasa
SHDHCGFQKL
shadhacagafaqakala
MNWHY
manawahaya

 comment >    2011 SEP-23 20:20 (by Abuzuhri)
 
 Somali - Ma Jeceshahay Inaad barato Luuqada Afka Somaliga? 

Magacygu Waa Mohamoud Hussein Farjar
Dhigtana jaamacada Hargeisa Kuliyada ICT-ga sandkii u danbeeyey :

Haday jawaabtaadu haah tahay, Waxaan ku bari doonaa sida ugu sahlan ee loo barto luuqada afka soomaaliga.

Sidaynu wada ogsoonahay Luuqada Afka soomaaligu waa luuqad hodon ah kana mid ah luuqada ku dhigan farta laatiinka loo yaqaan, luuqada soomaaliga waxaa ay ka kooban tahay SHIBANE(Consinent) iyo SHAQAL(Vowels).

Alif Beetada farta Soomaaligu Waxay ka kooban tahay 21 Shibane iyo 5 shaqal Waa Sidan hoos ku xusan:
SHIBANE:
B, T, J, X, KH, D, R, S, SH, DH, C, G, F, Q, K, L, M, N, W, H, Y
SHAQALKA GAABAN (SHORT VOWELS):
A, E, I, O, U,
SHAQALKA DHEER (LONG VOWELS):
AA, EE, II, OO, UU,

La soco.......


 comment >    2013 MAR-30 13:48 (by Mohamoud)
 
 Somali in School - Weedho 

English - Af Soomaali

Welcome to our school - Ku soo dhawoow dugsiga
The name of our school is ... - Magaca dugsigu waa ...
Your teacher's name is ... - Barahaaga magaciisu waa ...

School starts at ... - Dugsigu wuxuu bilaabmaa ...
School ends at ... - Dugsiga wuxuu dhamaada ...

Break starts at ... - Biririftu waxay bilaabantaa ...
Break ends at ... - Biririftu waxay dhamaataa ...

Would you like to have school lunch? - Ma dooneysaa cunada dugsiga ?
Lunchtime begins at ... - Qadadu waxay bilaabantaa ...


 comment >    2012 MAY-07 16:09 (by Langoland)
 
 Somali shopping - dukaamaysi 

Xageed u socotaa, cabdi?
Where are you going, Abdi?

Waxaan tegayaa dukaanka
I am going to the shop.

Dukaankee?
Which shop?

Kii aynu shalay tagnay
The one we went yesterday.

Kaasi ma fiicna oo waa qaali alaabtiisu.
It is not good because it charges too much.

 comment >    2012 SEP-03 21:50 (by Arrale)
 
 Somali vocabulary 

house - guri
family - qoys
man - nin
woman - naag
boy - wiil
girl - gabar

city - magaalo
company - shirkad
job - shaqo
Post - xafiis

transport - gaadiid
truck, lorry - gaari weyn (it means big car as well)
car - gaari yar (it means small car)

nature - dabiici
food - cunto
body - jirta dadka
clothes - dhar

 comment >    2012 MAY-05 23:40 (by Langoland)